Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Kahor Tagga Iyo Yareynta Qataraha

Muqdisho; Talaado, Agoosto 04, 2020—-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@KhadarGulaid
Facebook:
OPMSomalia
Mahdi M. Gulaid
instagram:
opmsomalia