Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

WARMURTIYEED

3 – 9 Janaayo 2022

Muqdisho- Soomaaliya

HORDHAC

Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3 – 9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Golaha Wadatashiga Qaranka  waxay kaloo kulamo wadatashi ku martiqaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.  

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada, dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021,Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo  tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:

1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaangaliyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada  ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;

3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika warmurtuyeedka 9 Janaayo, 2022;

4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan  in  Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;

6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana faragalin karo;

7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;

8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;

9- Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si marqaati looga noqdo hufnaanta iyo daahfurnaanta Doorashada kursi kasta;

10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka  in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaabtamayaa;

11- Si loo ilaaliyo wadashaqaynta  Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;

12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;

13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;

14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;

15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;

17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada

18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;