Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladaha COVID19 Ee Dalka Laga Diiwaan Geliyay
Muqdisho; Isniin, May 11, 2020 —-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntiland 3.
Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia