Wasiiru Dowalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay shirka looga hadlayay ka hor taga Wasakhaynta badda Iyo ciribtirka balaastikada
Wasiiru Dowalaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS Cabdixakiim Xasan Ashkir oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud Bay’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno khubaro ah ayaa ka qaybgalay shir heer wasiir ah oo lagaga hadlayo ka hortagga wasakhaynta badda iyo sidii looga hortagi lahaa walxaha balaastigga ka samaysan oo khatar ku ah cimilada aduunka.
Shirkan oo ay si wada jir ah u shir-gudoominayaan wadammada Ecuador, Germany, Ghana iyo Vietnam ayaa 2 maalmood ka socon doona Xarunta WTO ee magaalada Geneva, Switzerland, iyadoo uu bilowga sanadka soo socdana qabsoomi doono shir weyne kale oo looga hadli doono isla mowduucan
.