Wasiiru Dowlaha XRW ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Ilaalinta deegaanka
Kulan dhex maray wafdi ka socday dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiruhu dawlaha xafiiska RW Soomaaliya iyo Safaaradaha Waddamada Gacanka Carbeed iyo waddamada dariska la ah Soomaaliya u fadhiya Nairobi iyo UNEP ayna soo wada qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi iyo hay’adda UN ka u qaabilsan ilaalinta Deegaanka ee UNEP ayaa looga hadlay ilaalinta deegaanka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka socday Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee xafiiska RW oo hoggaamiya barnaamijka wadajirka ah ee dhimista isticmaalka dhuxusha iyo joojinta dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah ee laga dhoofiyo Soomaaliya ( PROSCAL) iyo hay’adaha UN ka ee wadaagga ku ah dhammaystirka barnaamijkan ee FAO, UNDP, UNEP iyo UNODC.
Ujeeddada Kulanka ayaa ahayd iskaashi dhexmara in dalalkan ay Soomaaliya ka taageeraan sidii loo dejin lahaa istaraatiijiyad wax ku ool ah oo lagula soconayo ilaha iyo dalalka loo dhoofiyo ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay shirka dhibaatada ay keento jarista dhirta si looga shido dhuxul, sida xaalufka dhulka, dhibaato amni, mid dhaqaale iyo mid bulshaba. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku soo bandhigtay shirka caqabadihii ka horyimid barnaamijka wadajirka ah ee dhimista isticmaalka dhuxusha iyo joojinta dhoofka sharci darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya ( PROSCAL) oo ay ka wada shaqeeyaan Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya iyo UN ka.
Golaha Ammaanka Qaramada midoobay iyo Dowladda Soomaaliya ayaa goor hore mamnuucay in dalka Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul , iyadoo go’aankaasi uu dhaqangalay.
Gabagabadii, wafdigii dawladda ayaa soo bandhigay qodobada ay dawladda Soomaaliya doonayso in lagala shaqeeyo sida;
A. Wada shaqeyn dhexmarta waddamada gacanka carabta iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya iyo sidii loo joojin lahaa dhoofka sharci darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya
B. Sidii Soomaaliya looga caawin lahaa in ay hesho Tamar bedesha dhuxusha oo ay dadkeedu ku karsadaan cuntada.
C. Sidii Soomaaliya looga caawin lahaa in ay u hesho meherado kale oo ay ku maareeyaan noloshooda dadka ku hawlan waxsoosaarka dhuxusha iyo ka ganacsigeeda.
D. In dib u dhireyn ballaaran lagu sameeyo dhulkii laga jaray dhirta si dhuxul looga shido.
Dhammaad