๐๐-๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ถ๐ฏ-๐-๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฒ๐๐ป๐๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ.
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฏ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in faqriga, caafimaad darrada iyo siyaasadda gurracan ay tahay astaanta dadka heerkooda aqooneed uu hooseeyo.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in dalalka dib-u-dhacay ee aysan ka jirin wax horumar ah ay sabab u yihiin dadkooda oo aqoontoodu ay hooseyso, si ay ummadi horumar u gaartana ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado aqoonta dadka.
Mudane Saalax ayaa xusay in afar milyan oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo gaaray daโda waxbarashada aysan xiligaan haysan waxbarasho, si caqabadahaas looga gudbana ay xukuumadda DanQaran bilowday qorshe ballaaran oo lagu howlgelinayo ugu yaraan 120 kun oo macallim, iyada oo kor loo qaadayo miisaaniyadda ay dowladdu waxbarashada u qoondeysay.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Machadka Heritage iyo Jaamacadda City mudnaanta ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed, si ay dadkeennu u noqdaan kuwa leh aqoon ay horumar ku gaaraan, isla markaana ay kula soo baxaan kheyraadka dihan ee dalkeenna Eebe ku manneystay.
โ
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia