๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ธ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฟ๐ด๐๐๐ด๐ฎ ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ.
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฏ ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—-Ku simaha Raโiisul Wasaaraha Ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.
Raโiisul Wasaare ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dib-u-dhiska dalka oo ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani,aadantinimada.
Mudane Saalax ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in kaalmada QM ay siiso Soomaaliya la gaarsiiyo deegannada laga xoreeyey khawaarijta, kuwaas oo ay hadda xukuumadda #DanQaran ka wado dib-u-dejin iyo dib-u-dhiska, bacdamaa ay muddo dheer ku jireen gacanta kooxda arxanka darran.
Dhankeeda, Ms Laing ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sidii dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen barnaamijyada horutabinta u leh qorshaha xukuumadda #DanQaran, gaar ahaan xasillinta meelaha la xoreeyey.