Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Golaha Wasiiradda XFS ayaa meelmariyey sharciyo muhiim u ah Qaranka

Muqdisho 20, march, 20203—Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Sharcigan Golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia