Hadaljeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee Xafladda Xiritaanka Shirkii Wadahadalada Doorashooyinka
XAFLADA XIRITAANKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN EE DOORASHOOYINKA
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble
Bismillaahi Raxmaan Raxiim
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Guddoomiyaha Aqalka Sare
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka
Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweyneyaashii hore ee Dalka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho
Wasiirrada, Xildhbaannada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka
Dhammaan marti sharafta,
Mudaneyaal iyo Marwooyin
Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa barakaatuh,
Salaan ka dib,
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
- Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-da May 2021, waa maalin weyn oo taariikhi ah, baal dahab ahna ka geli doonta geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya.
- Ka dib dhowr maalmood oo Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ay magaalada Muqdisho uga socdeen wadahadallo ku dhacay jawi mas’uuliyad, tanaasul iyo is qancin ku dheehan tahay. Waxaan ugu dambeyntii inagoo tixgelineyna danta guud ee dalka iyo dadka, ku guuleysannay in xal iyo heshiis lagu wada qanacsan yahay laga gaaro arrimihii madmadowgu ka jiray ee doorashooyinka dalka.
- Iyadoo laga duulayo heshiiskii 17-kii September 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, lana tixgelinayo soo jeedintii Guddigii Farsamo ee Baydhabo, waxaa laga heshiiyay qodobbadii lagu kala aragti duwanaa sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka. Waxaa kale oo guul ah in ay soo noqotey is aaminaadii iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.
- Waxaan halkan mahadcelin uga jeedinayaa Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuwaas oo xaqiiqdii muujiyay tanaasul, dulqaad iyo xilkasnimo taas oo inoo fududeysay in aan waqti kooban xal uga gaarno arrimaha leysku hayay.
- Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” dadaalkii uu galiyay hannaanka doorashooyinka dalka iyo tanaasulkii uu sameeyay oo horseed u noqday heshiiska aan maanta u dabbaal dageyno.
- Sidoo kale, waxaa bogaadin iyo ammaan mudan mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo guddoonkooda oo kaalin weyn ku lahaa in la soo gaaro halka aan maanta joogno, iyo ansixinta Heshiiskii 17kii Septeember ee gundhigga u ahaa hannaanka doorashooyinka dalka.
Mudanayaal Marwooyin,
- Sidii aan horey idiinku ballan qaaday waxaa aniga iyo xukuumadeyda naga go’an dhaqan galinta heshiiskan iyo in aan doorashada dalku galayo ku hogaaminno si Cadaalad ah, Daah-furan, Xor iyo Xalaal ah oo aan cidna lagu xadgudbin Insha’Allah.
- Iyada oo aan ka ambaqaadayno heshiiskii 17kii September, waxaa masuuliyadi naga saaran tahay, aniga iyo masuuliyiinta kale dhammaantood, in aan xaqiijinno in haweenku helaan qoondada ay ku leeyihiin goleyaasha sharci dejinta.
- Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badan waxaan uga mahad celinayaa dulqaadkii iyo garab istaaggii adkaynta xasilloonida iyo dowladnimada, aniga oo ka codsanaya in ay nagu gacan siiyaan masuuliyadda culus ee hirgalinta doorashooyinka. Waxaan marna la ilaabi karin dardaarankiinii iyo ducooyinkiinii niyadda ahaa ee aad sida joogtada ah iila wadaagayseen, kuwaas oo runtii dhaliyey guusha aan maanta ku soo afjarayno shirkan wadatashiga qaran.
- Waxaa ii muuqata rajo iyo kalsooni aan ku qabo inay dalkeenna ka dhacayaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Laakiin “Far kali ahi fool ma dhaqdo”. Sidaa darteed, waxaan dhammaantiin masuuliin iyo shacabba idinka codsanayaa inaad nagu garab istaagtaan si aan u gudanno waajibkanaga.
- Ugu dambeyntii Beesha Caalamka waxaan uga mahadcelinayaa kaalintooda dowlad-dhiska Soomaaliya, anigoo ka codsanaya taageerada farsamo, siyaasad iyo dhaqaale ee aan ugu baahan nahay qabsoomidda doorashooyinka.
Ballanteennu waa doorasho daahfuran iyo Isku duubni.
Soomaaliya ha noolaato.