Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka
Muqdisho, May 22, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.