Kulan looga hadlayay dardargelinta Abaaraha oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.
Mudane Gaani ayaa kula dardaarmay hoggaanka hay’adda iyo guddiga gurmad abaaraha in la sii xoojiyo dadaallaada socda, iyadoo muhiimad wayn la siinayo gacan qabashada dadka jilicsan ee abaaruhu saamyeen.
Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lala gaaro wixii la hayo, dib u dhac walba oo yimaadana uu xaaladda ka sii dari karo.
Dhankooda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Guddiga Abaaraha ee heer qaran oo iskaashanaya ayaa soo bandhigay deegaanno badan oo la gaar siiyey gurmadka iyo kuwa qorsheysan in loo diro.