Ra’iisul Wasaare Xamse oo Bogaadiyey Howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada dalka

Muqdisho, Sebteembar 19, 2022;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Argagixisadu iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad-diidka, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.