Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qorshe Hawleedka Xukuumadda Dan Qaran Ka Guddoomay Wasaaradaha Duulista Iyo Gaadiidka Cirka Iyo Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Muqdisho, December 11, 2022——Waxaa si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, iyada oo lagu jaangoynayo Barnaamijka Xukuumadda ee Sanadka 2023, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka guddoomay ballanqaadka qorshaha waxqabad Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyadoo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, sii guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh Xukuumadda #DanQaran.

—-DHAMMAAD—-