Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola

Muqdisho December 8 2022—–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola oo ay kaga qayb galayaan Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS).

Shirka sanadkan oo ay ka qaybgalayaan madaxda 79 xubnood oo ka socda saddexda Qaaradood, ayaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, isu dheelitirka iyo koboca dhaqaalaha, caqabadaha amniga iyo nabadda.