Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi  Barre ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi.” Ayuu yiri Mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay weydey abwaan aqoon durugsan u lahaa Suugaanta, Dhaqanka iyo afka Soomaaliga, Isagoo Eebe u weydiiyey naxariista janno in uu ka waraabiyo.