Ra’iisul Wasaare Xamse oo kala hadlay Arrimaha Abaaraha ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, ahna u qaybsanaha Gargaarka Bani’aadannimada Adam Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hey’adaha xukuumadda iyo kuwa safamalka ee Qaramada Midoobay ay si dhow isula shaqeeyaan – si wax looga qabto deegaannada abaaruhu saameeyeen – kuwaasi oo u baahan gurmad deg deg ah.