Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Culima’udiinka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaagga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culima’udiinka kala hadlay sidii ay bulshada uga wacyigelin lahaayeen dagaallanka fikirka kooxaha xagjirka ah ee daadinaya dhigga shacabka Soomaaliyeed.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.