Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka
Muqdisho; Sabti, October 22, 2022—-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalkeenna ku yeeshay.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Wasiiradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaarad walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Isagoo dhankiisa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran oo dalkoo dhan dhir lagu beerayo.
Waxa shirka qayb ka ahaa Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka, Kalluumasiga iyo Khayraadka Badda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo sidoo kale Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.