Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS oo ka qayb galay kulan loogu ducaynaayey AHUN Daahir Xasan Guutaale
Muqdisho; Talaada, October 11, 2022 Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa ka qayb galay kulan xus iyo duco ahaa oo xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Daahir Xasan Guutaale oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ayaa loogu duceeyay marxuumka, isla markaana looga waramay shaqooyinkii uu Qaranka gaar ahaan Wasaaradda kasoo qabtay mudadii uu shaqaynayey oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaybaha Wasaaraddu ka kooban tahay.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa tilmaamay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale, uu ahaa nin af gaaban oo Alle ka cabsi badan, isagoo dadkii la da’da ahaa oo hawlgab ahna, uu u adeegayay Qarankiisa.
Wuxuu sheegay in Marxuumku door muuqda ku lahaa dhismaha Dowaladnimada Soomaaliya, Isagoo ka mid ahaa Xildhibaannadii Baarlamaanka ee sannadihii 2000-2004 iyo 2008-2012.