Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Taliska Ciidanka C.X.D.S ee Jubaland

Muqdisho, 08 Luulyo, 2021Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.

Taliska Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Jubaland, fadhigooduna yahay magaalada Kismaayo ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey daadaallada ay argagixisada kaga xoreynayaan deegaannada Jubaland iyo baahiyaha ay rabaan in wax lagala qabto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada baahiyaha taliska qeybta 43-aad, iyo guud ahaan ciidanka qalabka sida.

“Waxaan maanta booqday Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Geesiyaasha CXD way ku mahadsan yihiin sida nafhurnimada leh ee ay ugu heellan yihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an in aan ka jawaabno baahiyaha ciidankeenna ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin”.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.