Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kismaayo
**Muqdisho, Juun 30, 2021:R**a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tababar u furay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga khilaafaadka.
Tababarkan oo socon doona saddex maalmood ayaa lagu xoojinayaa awoodda iyo aqoonta guddiyada, si ay ugu diyaar garoobaan qabashada doorashada dalka ka dhacaysa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay taageero joogto ah oo hagar la’aaneed siin doonto guddiyada, si dalka ay uga qabsoonto doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah.
Mudane Rooble ayaa xusay in doorahooyinku ay muhiimad weyn u leeyihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya, loona baahan yahay in xil weyn la iska saaro.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddiyada doorashooyinka inay waajibkooda qaran u gutaan si daacad ah, isla markaana ay dhawraan xuquuqda muwaadiniinta tartamaysa, iyaguna masuul ka yihiin fulinta heshiisyadii horey loo gaaray. Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey inay si fiican uga faa’iidaystaan tababarka oo muhiim u ah shaqadooda, kaasoo ay bixinayaan khubaro iyo xeel dheerayaal doorasho, kana fogaadaan wax walba oo musuq-maasuq keenaya.
Eng. Rooble ayaa xusay in aysan jirin wax isbadal ah oo lagu sameeyey heshiisyadii horey looga gaaray doorashooyinka, isla markaana ay wax walba u fulayaan sida ku qoran heshiisyada. Isagoo guul u rajeeyey guddiyada doorashada iyo inay sida ugu wanaagsan u gutaan masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray.