Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, kaas oo looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiillada Beesha Caalamka la wadaagay horumarka laga gaaray dadaallada uu hormuudka ka yahay ee arrimaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee la xiriiray jadwaleynta doorashooyinka.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale lagu lafa guray kaalinta Beesha Caalamka ee  taageerida farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashooyinka dalka.