Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Imaaraadka Carabta waxa uu kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas sida Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka sida Sheikh Maxamed Bin Zayid, Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka, ahna Xaakimka Dubai Sheikh Maxamed Bin Raashid iyo Shakhbout Bin Nahyaan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.
Kulammadii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.