Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Binu Saayid

Abu Dhabi, Feb, 02, 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Saayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheekh Maxamed Binu Saayid  iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha  Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

ABU DHABI, UNITED ARAB EMIRATES – February 01, 2022: HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces (R) meets with HE Mohamed Hussein Roble, Prime Minister of Somalia (2nd R), during a Sea Palace barza.
( Rashed Al Mansoori / Ministry of Presidential Affairs )