Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxyidiin Celi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxyidiin Celi oo Muqdisho ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Sheikh Muxyidiin waxa uu ka mid ahaa culimada waaweyn iyo aqoonyahanka dalka ee kaalinta weyn ku lahaa faafinta diinta islaamka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.