Ra’iisul Wasaare Rooble oo kala hadlay Wakiillada Beesha Caalamka dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BFS.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhamaystir kuraasta dhiman  ee doorashada, si dib u dhac kale ugu iman waqtiga lagu heshiiyey in lagu soo gaba-gabeeyo jadwalka doorashada Xildhibaannada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.