Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa “dalkeennu wuxuu leeyahay dhul aad u balaaran oo ku fiican waxsoo-saarka beeraha iyo waliba wabiyo looga faa’iidaysan karo waraabka beeraha”

Muqdisho, 16 Oktoobar 2024:–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bulshadeennu baahi wayn u qabaan aqoonta iyo cilmiga waxsoo-saarka beeraha, isaga oo ku bogaadiyey Jaamacadda Zamzam ahmiyadda ay siisay kulliyadda beeraha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dalkeennu leeyahay dhul aad u balaaran oo ku fiican waxsoo-saarka beeraha iyo waliba wabiyo looga faa’iidaysan karo waraabka beeraha. Waxuuna intaas raaciyey in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaara ah siinayso waxsoo-saarka beeraha iyo kalluumaysiga, haatanna la joogo xilli adduunka ay soo food saartay cabsi laga qabo cunto yari.

Mudane Xamsa oo hadalkan ka sheegay munaasibadda 10 sano Guurada aasaaska Jaamacadda Zamzam, ayaa intaas raaciyey muddadii ay jirtay in bulshada ay ku soo kordhiyeen aqoon loo baahnaa.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya

+3
Boost this post to reach up to 9412 more people if you spend $14.
Boost post
All reactions:

Danjire M. O. Caddaawe, Amb Bayaan Mashruuc and 105 others