Xukuumadda DanQaran ayaa maanta soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029
Muqdisho, 16 October, 2024:–Xukuumadda DanQaran ayaa maanta soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, kaas oo uu si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo munaasabadda daahfurka ka hadlay, ayaa tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hey’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Waxa uu intaas ku daray in qorshahani uu yahay mid ku saleysan aragtida guud ee Soomaaliya, taas oo diiradda saaraysa horumarinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga ah ee dalka.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
You, Muhammad Naik , Danjire M. O. Caddaawe and 226 others