Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geeridii Fannaanada Khadra Daahir Cige

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa murugada la qeybsaday qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige.

Ra’iisul Wasaaraha aya  si gaar ah ugu tacsiyeeyey qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo marxuumaddu kamid ahaan jirtay.

“Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.”

“Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.”