Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka kala wareegay Xoghayihii hore
Muqdisho July 05 2022–Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur, kadib munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.
Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska, isagoo Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fududeeyo.
Dhankiisa, Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha mudnaanta u leh, isagoo ka codsaday dhammaan shaqaalaha iyo howlwadeennada xafiiska in lala shaqeeyo.
|