Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, nabadda, dib-u-heshiisiinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.
Kulankan oo qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, si tallooyin kooda loogu kaabo dhismaha dowladnimada, ayuu ku ammaanay Mudane Xamse , haweenka Soomaaliyeed, sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.