Muqdisho, Luuliyo 28, 2022;- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kulanka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso. Mudane Xamse ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu soo dhisi doono ay mudnaan gaar ah siin doonto, wax u qabashada naafada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, awoodsiinta hay’adda u dhaq-dhaqaaqda xaquuqdooda, iyo in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ku matali doonto qof dumar ah oo iyaga ka mid ah. “Waxaan ballan-qaadaynaa miisaaniyadda soo socota in hay’adda naafadu ay qeyb ka noqon doonto, tayada iyo aqoonta dadka ka shaqeeya hay’addana kor loo qaadi doono.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in kun iyo boqol arday oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, xukuumadda uu soo dhisi doonno qeyb ka qaadan doonto waxbarashadooda. Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul. |
—DHAMMAAD—- Wixii Faah-faahin ah kala xiriir |