Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilalka u kala wareejiyey shan kamid ah Wasiirrada Cusub ee XFS

Muqdisho, 13, Agoosto, 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirrada cusub ee Wasaarradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Qorsheynta iyo Maalgashiga, Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta  iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirradii Hore ee xilalka wareejiyey dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta dalka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay shaqadan ku garab istaagaan Wasiirrada xilka kala wareegay, isagoo soo bandhigay sida ay Xukuumaddiisu mudnaanta u siinayso isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Wasiirrada cusub ee maanta xilalkooda la wareegay in alle u fududeeyo shaqada hortaalla, waxuna kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka kala wareegay, Mudane Mukhtaar Xasan Afrax, Wasiirka cusub ee  Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa xilka kala wareegay ku-simaha Wasiirka Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiirka cusub ee Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beene-Beene) ayaa xilka kala wareegay Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka cusub ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xilka kala wareegay Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaj.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter: 
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia