Wasiirrada cusub ee Amniga iyo Diinta & Awqaafta oo xilalka la wareegay
Muqdisho, 10, Agoosto, 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.
“Anagoo ka duulayna baahida shacabka Soomaaliyeed, waxaan ahmiyada ugu wayn ee Xukumadda ka dhignay amniga. Waxaan garowsannahay in amnigu aan qori kaliya lagu sugi karin oo ay waajib tahay dhiirri gelinta iyo abaabulka doorka bulshada.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Wasiirrada xilka la wareegay in Eebbe uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxa uuna faray in ay si daacad ah oo Soomaalinimo leh ay ugu adeeggaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda.
—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta