Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Wasiirkii hore

Muqdisho, 09, Agoosto, 2022-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamuud  Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta. isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda in uu yahay shaqsi aqoon u leh arrimaha maaliyadda, wasaaraddiisuna ay tahay ishii ay eeganayeen hay’adaha kale ee dowladda.

Wasiirkii hore Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa soo bandhigay howllihii wasaaradda u qabsoomay iyo kuwa muhiimka ah ee horyaalla ee u baahan in la sii ambaqaado.

Dr. Cilmi Maxamuud  Nuur, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in muddada uu joogo xafiiska uu diiradda saari doonno, sidii loo hirgelin lahaa sharci mideysan oo lagu hagayo canshuuraha dalka iyo deyn cafinta, si dalkeennu u helo maalgashi caalami ah.