Raisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyey kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo badan
MUQDISHO —Golaha Wasiiradda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaasoo uu shir guddoominayey Raisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre.
Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa lagu falanqeeyey qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga gudaha, Mideynta Canshuuraha dalka, Qorshaha dib u dejinta loogu sameynayo Qaxootiga soo laabanaya, soo celinta astaanta Qaranka ee Internetka (.so) iyo arrimo kale, iyadoo warbixino ku aadan waxqabadkooda laga dhegeystay Wasiiro ka tirsan Xukuumada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo ka mid ahaa Wasiirada kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qorshaha Saddexda sano ee soo socota Wasaaradiisu dib u dejinta ugu sameynayso Qaxootiga ku soo laabanaya dalka oo tiradoodu gaarayso Saddex Million oo qof, wuxuuna xusay in Wasaaradu arintaas xil weyn iska saartay, kuna dedaaleyso iney si hufan u gudato waajibaadka ka saaran soo dhoweynta Qaxootiga.
Xubnaha kale ee ka hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle oo isna Golaha Wasiirada faahfaahin ka siiyey qorshaha midaynta Canshuuraha dalka ee Wasaaradiisu ku howlan tahay.
“Mideynta canshuuraha dalka waa howsha ugu culus ee hadda hor taalla Wasaarada, waxaana wadnaa qabanqaabada shirweyne looga doodayo habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha dalka, kaasoo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Bayle oo rajo badan ka muujiyey in shirkaas ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah.
Waxaa sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirada looa hadlay xaalada amaanka dalka, iyadoo Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Siciid Muuse uu ka sheegay kulanka in ciidanka Qaranku ay dhawaan degaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, ayna socdaan qorsheyaal Milateri oo haraadigooda dalka oo dhan looga sifeynao, isagoo xusay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wado dardargalin iyo dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada XDS.
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta masuuliyiin ka socotay ayaa iyana laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo celinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee Internetka (.so) taasoo dawladda federaalka gacanteeda soo gashay, iyagoo faahfaahin ka bixiyey muhimada uu leeyahay iyo sida ugu haboon dowlada iyo shacabkeeda uga faaiideysan karaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ugu dambeyn kulankaas hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyay Wasiirada kulanka ka hadlay iyo kuwa kale ee goob jooga ahaa waxqabadka iyo dedaalka ay muujiyeen isagoo kula dardaarmay iney xoojiyaan waajibaadka Qaran ee ka saaran wax u qabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkiiba mar kulan isugu yimaada Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlo xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dalka ku sugan yahay, iyadoo aysan ka marneyn isla xisaabtan joogto ah oo lagu sameeyo heyadaha Xukuumada si loo xaqiijiyo habsami u socodka howlaha ay u hayaan bulshada.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM