Raisul Wasaare Khayre oo xalay Saqdii dhexe kormeeray degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir
MUQDISHO —Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay saqdii dhexe kormeer howled ku tegay xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Kormeerkan oo raisul wasaaraha ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Ing. C/raxmaan Yariisow, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Muqdisho ayaa ujeedadiisu aheyd u kuurgalida xaaladaha amaanka iyo nolosha ee shacabka ku dhaqan degmada Heliwaa, waxayna socod ku mareen qeybo ka mid ah degmadaas.
Masuuliyiintan ayaa booqday qaar ka mid ah xarumaha iyo baraha ay ka howlgalaan ciidamada amaanka, iyagoo warbixino ku saabsan qaabka ay u socdaan howlgalada xaqiijinta amniga ka dhegeystay saraakiisha goobahaas ku sugan.
Raisul Wasaare Khayre iyo Masuuliyiinta la socday ayaa kormeerka ka dib gaaray xarunta Maamulka degmada Heliwaa, halkaasoo uu kula hadlay Saxaafada isagoo ka warbixiyey ujeedada kormeerkan oo uu xusay iney tahay la socodka xaalada amniga degmada iyo qaabka ay halkaas uga howlgalaan ciidamada amaanka.
“Waxaa Kormeerkan uu muujinayaa in dalka uu Nabad yahay waayo? xili habeen saq dhexe ah ayaan joognaa degmada Heliwaa waxaana taasi ku mahadsan ciidamada oo sugaya amniga, waxaana leeyahay sii xoojiya, maxaa yeelay shacabka idinka ayay idinku jiifaan idinkuna soo toosaan” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre oo shacabka degmada ugu baaqay iney xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Maamulka degmada iyo ciidamada amaanka.
Iyadoo laga duulayo xaqiijinta iyo u kuurgelida qaabka ay u howlgalaan heyadaha kala duwan ee dowlada ayaa Raisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre waxaa uu si joogto ah kormeer ugu sameeyaa xarumaha, Wasaaradaha iyo talisyada ciidamada taasoo muujineysa sida madaxda Qaranku xil isaga saareen gudashada waajibaadka Qaran ee ay dhaarteen.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM