Ra’isul Wasaare Khayre oo oo komeeray ciidamo loogu talo galay iney howlgalo gaar ah fuliyaan
MUQDISHO —Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeerey Ciidan loo diyaariyey inay fuliyaan howlgal qorshaysan oo laga fulinayo goobaha lagu tuhunsan yahay inay gabaadka ka dhigtaan kooxda nabadiidka ah ee Al-Shabaab, iyadoo ciidankan ay degan yihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Kormeerkan ayaa waxaa Raisul Wasaare Khayre ku wehliyey taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidankan oo isku jira Boolis, Militari iyo Nabad sugid ayaa loo diyaariyay inay qaadaan howlgal lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ay kooxdaas ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Khayre ayaa warbxiin ku aadan diyaargarowga ciidanka ka dhegeystay Saraakiisha hogaaminaysa, waxaana hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey uu ciidanka ugu muujiyey taageero, isagoo kula dardaarmay iney waajibaadkooda u gutaan si hufan.
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Saraakiisha la socotay ayaa sidoo kale isla xalay kormeeray saldhigga Booliska degmada Hodan, isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, wuxuuna warbixin ka dhageystay Saraakiisha booliska.
Kormeerka raisul wasaaraha ayaa qeyb ka ah fulinta qorshayaasha Xukuumadda oo amnigu ugu horeeyo, habeen hore ayeyna aheyd markii raisul Wasaaraha oo horkacayey masuuliyiin kale ay sidoo kale kormeereen Xarumaha ciidamadu ku leeyihiin degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM