Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Muqdishu November 6 2022—Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay Barnaamijka Xukuumadda ee Baarlamaanku ansixiyey iyo sidii loo dardar-gelin lahaa fulinta qodobadii ku xusnaa barmaajika.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu falan-qeeyey arrimaha ay ka wada shaqeynayaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradaha Xukuumadda, gaar ahaan halbeegyada mudnaanta leh, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada ay ka sugayaan dowladda.