Wasiiru dowlaha XRW oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ah ayaa maanta kulan gurmad loogu sameeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe2
Muqdish November 1 2022—-Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Hirsi Ganni oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee xafiiska RW Mohamed Abukar Zubeyr ayaa maanta kulan gurmad loogu sameeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii bahalnimo ee khawarijtu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan la yeeshay shaqaalaha xafiiska.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul oo kulanka ka hadlay, ayaa tilmaamay in khawaarijtu ay jab xooggan kala kulmeen furiimaha dagaalka, dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso in ay ku ciribtirto muddo kooban , shaqaalaha dowladda looga bahan yahay in ay tageeraan hawlaha gurmadka ee socda.
Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Abuukar Subeyr oo isna shaqaalaha xafiiska ku boorriyay in ay ka qayb qataan taakuleynta gurmadka qaran ee walaalaha dhibaatadu ka soo gaaray qaraxii Soobe 2 (KM5).